Jimco , 25 Abriil, 2025 {HMC}— Xiriirka mudada dheer cakirnaa ee labada dal ee nukliyeerka haysta ee Hindiya iyo Pakistan ayaa si degdeg ah u sii xumaaday ka dib markii rag hubeysan ay dileen 26 nin oo dalxiisayaal ahaa oo ku sugnaa qaybta Hindiya ay maamusho ee Kashmir.
Waxay ahayd weerarkii ugu dhimashada badnaa ee lagu qaado dad rayid ah dhulka muranka ka taagan yahay ee buuralayda ah muddo rubuc qarni ah.
Hindiya waxay ku eedeysay Pakistan inay ka dambeysay weerarkii dhacay Talaadadii, laakiin dowladda Islamabad ayaa ku gacan sayrtay eedeymahaas iyadoo ku tilmaamtay “kuwo aan sal iyo raad lahayn”.
Labada waddan ee deriska ah ee Koonfurta Aasiya ayaa is dhaafsaday tallaabooyin diblomaasiyadeed oo aargoosi ah, laakiin falanqeeyayaasha ayaa ka cabsi qaba in xiisadda sii kordhaysa ay horseedi karto tallaabo militari.
– Maxaa dhacay? –
Dalxiisayaal ka baxsanayay kulaylka daran ee dhulalka hoose ee Hindiya ayaa Talaadadii ku raaxaysanayay dooxooyinka deggen ee Baisaran. Goobtan caanka ah waxay ka hoosaysaa buuraha barafku qariyay, kuna dhowdahay magaalada Pahalgam.
Rag hubeysan ayaa si kedis ah uga soo muuqday kaymaha geedaha ku hareeraysan, iyagoo rasaas culus ku furay dadkii goobta ku sugnaa iyagoo isticmaalaya hubka fudud.
Dadkii ka badbaaday ayaa u sheegay weriyeyaasha in ragga hubeysan ay kala saareen ragga iyo haweenka iyo carruurta ka dibna ay toogteen dhowr ka mid ah ragga iyagoo u dhow.
Waxay sidoo kale sheegeen in ragga hubeysan ay amreen qaar ka mid ah ragga inay akhriyaan shahaadada Islaamka.
Kuwa aan aqoon u lahayn ama akhrin waayay ayaa la toogtay.
Dhammaan 26-ka qof ee la dilay waxay ahaayeen dad u dhashay dalka Hindiya, marka laga reebo hal qof oo u dhashay Nepal.
Intooda badan waxay ahaayeen Hindu. Mid ka mid ah wuxuu ahaa nin Kashmiri Muslim ah oo fardaha u kaxayn jiray dalxiisayaasha si uu ugu shaqaysto.
– Waa maxay dhibaatada Kashmir? –
Kashmir, oo ay u badan yihiin Muslimiintu, waxaa loo qaybiyay Hindiya iyo Pakistan tan iyo markii ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska sanadkii 1947. Labada dhinacba waxay sheeganayaan lahaanshaha dhulka oo dhan.
Maleeshiyada ka dagaallama qaybta ay Hindiya maamusho waxay wadaan kacdoon tan iyo 1989, iyagoo doonaya inay xornimo buuxda helaan ama ay ku biiraan dalka Pakistan.
Kumanaan qof ayaa ku dhintay colaadda.
Dowladda dhexe ee New Delhi waxay meesha ka saartay maamulka xaddidan ee gobolka uu lahaa sanadkii 2019, waxaana la qiyaasaa in Hindiya ay si joogto ah u dhigtay dhulkaas illaa 500,000 oo askari.
– Waa ayo kooxdii weerarka geysatay? –
Booliska Hindiya waxay aqoonsadeen laba muwaadin oo Pakistani ah oo ka mid ah saddexda nin ee la tuhunsan yahay inay geysteen weerarka, kuwaasoo weli baxsad ah. Ninka saddexaad ayaa ah Hindi.
Booliska waxay sheegeen in raggii weerarka geystay ay ka tirsan yihiin ururka Lashkar-e-Taiba (LeT) oo fadhigiisu yahay Pakistan, kaasoo Qaramada Midoobay u aqoonsatay inuu yahay urur argagixiso.
Koox la magac baxday The Resistance Front (TRF) ayaa la sheegay inay sheegatay mas’uuliyadda weerarka, sida ku cad sheegasho aan la xaqiijin oo ay soo xigteen qaar ka mid ah warbaahinta Hindiya.
Hindiya waxay TRF u aqoonsatay urur argagixiso, halka Hay’adda Cilmi-baarista ee Observer Research Foundation oo fadhigeedu yahay Hindiya ay ku tilmaantay “asturaad iyo laan ka soo farcantay LeT”.
– Yaa ka mas’uul ah? –
Dowladda New Delhi ayaa si joogto ah ugu eedeysa Islamabad inay taageerto kooxaha hubeysan ee ka hawlgala Kashmir.
Dowladda Pakistan ee Islamabad ayaa beenisa eedeymahaas, iyadoo sheegtay inay kaliya taageerto halganka shacabka Kashmir ee ku aaddan go’aan-ka-gaaridda mustaqbalkooda.
New Delhi waxay soo saartay eedeymo cusub ka dib weerarkan, iyadoo sheegtay in Islamabad ay taageerto “argagixisada xuduudaha ka gudubta”.
Pakistan waxay si adag u beenisay inay wax door ah ku lahayd weerarka.
– Sidee ayay Hindiya uga jawaabtay? –
Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, ayaa ballan-qaaday inuu “ciqaabi doono argagixiso kasta iyo cid kasta oo taageerta”.
Dowladda New Delhi ayaa sidoo kale qaadday tiro tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ciqaab ah.
Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ah joojinta heshiis wadaagga biyaha ah, xiritaanka isgoyska ugu weyn ee xuduudda dhulka ee Pakistan iyo hoos u dhigidda heerka xiriirka diblomaasiyadeed.
Hindiya waxay sidoo kale amartay dhammaan muwaadiniinta Pakistan inay dalka ka baxaan ka hor April 29, marka laga reebo shaqaalaha safaaradda ee haray.
– Sidee ayay Pakistan uga jawaabtay? –
Pakistan ayaa si degdeg ah uga jawaabtay iyadoo qaaday tallaabooyin aargoosi ah, oo ay ka mid yihiin cayrinta diblomaasiyiin u dhashay Hindiya oo ka hawlgalayay Islamabad, iyo joojinta fiisooyinka muwaadiniinta Hindiya marka laga reebo kuwa Sikkh-ka ah ee xajka u socda.
Waxay sidoo kale ka xirtay hawadeeda dhammaan diyaaradaha rakaabka ee Hindiya.
Dowladda Islamabad ayaa sidoo kale ka digtay inay u arki doonto isku day kasta oo Hindiya ku doonayso inay ku joojiso qulqulka biyaha ka yimaada meelaha sare ee webiga Indus inay tahay “ficil dagaal”.
– Sidee ayuu Kashmir u saameeyay? –
Weerarkii lagu beegsaday dalxiisayaasha wuxuu ahaa isbeddel weyn oo ka duwan weeraradii yaryaraa ee hore ee inta badan lagu qaadi jiray ciidamada ammaanka Hindiya.
Dalxiisku wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay dhaqaalaha gobolka, falanqeeyayaasha ayaa sheegay in beegsiga dalxiisayaasha, oo aan hore u dhicin, uu dhaawac weyn gaarsiin doono dhinacaas.
Milkiilayaasha hoteellada ayaa soo sheegay in si ballaaran loo baajiyay boosaskii la qabsaday bilowga xilliga xagaaga oo inta badan ah xilli mashquul badan.
Ciidamada ammaanka Hindiya ayaa sidoo kale bilaabay hawlgal baaritaan oo ballaaran si ay u soo qabtaan dadkii ka dambeeyay weerarka, waxaana la soo xiray tiro badan oo dad ah.
Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha waxay sheegeen in hawlgaladii hore ee baacsiga ahaa ay horseedeen xarig baahsan iyo caburinta xorriyaadka rayidka.
– Maxaa dhici doona oo xiga? –
Qaar ka mid ah dadka ayaa ka cabsi qaba in tallaabooyinka diblomaasiyadeed ee ay qaadday New Delhi ay noqon karaan uun tallaabadii ugu horreysay – iyadoo ay jirto khatar suurtagal ah oo ah in xaaladdu isu beddesho ficil militari.
Weerarkii ugu xumaa ee ka dhacay qaybta Hindiya maamusho ee Kashmir sanadihii u dambeeyay wuxuu ahaa kii Pulwama ee sanadkii 2019, kaasoo ay maleeshiyada ku qabsadeen baabuur ay ka buuxaan walxaha qarxa, kuna dhufteen kolonyo boolis ah, taasoo sababtay dhimashada 40 qof iyo dhaawaca 35 kale.
Diyaaradaha dagaalka ee Hindiya ayaa duqeymo dhanka cirka ah ka geystay gudaha dhulka Pakistan 12 maalmood ka dib weerarkaas.