Sabti, 26 Abriil, 2025 {HMC} Ciidamada Deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ayaa Mamnuucay Gaadiidka Safarka ee Maro Wadada isku Xirto Muqdisho ilaa degmada Moqokori
Sababaha gaarka ah ee Macawiisleeyda Wadadaas iyo Agagaaarkeed uga Mamnuuceen gawaarida Safarka ah ayeey ku sheegeen in Kooxda AS isticmaalaan gaadiidka safarka si ay ugu dhex dhuuntaan dadka shacabka ah, isla markaana ay weerarro qarsoodi ah ugu qaadaan tuulooyinka laga xoreeyay.
Waxaa la arkay in qaar ka mid ah gaadiidka safarka (gaar ahaan kuwa xamuulka iyo mootooyinka) loo adeegsado qaadista sahayda Al-Shabaab sida raashin, rasaas, iyo qalab kale. Amarkan ayaa yimid kadib markii Al-shabaab ay qabsadeeyn dhul badan oo ku yaala Gobolka Shabeellaha dhaxe, waxaana gaadiidka Safarka ah dhax maraan deegaano Al-shabaab Maamulaan.
Mid ka mid ah Macawiisleeyda Gobolka Hiiraan oo la hadlay Hiiraanweeyn waxa uusheegay in aaysan jirin Muda rasmi ah oo uu ku egahay Amarka looga mamnuucay Gaadiidka safarka ee maro Wadooyinka ka Soo Bilaawdo xadka Hiiraan iyo shabeelaha dhaxe ee aado Gobolada waqooyi oo ugu Horeeyo Galgaduud, Wuxuuse Tilmaamay in inta lagu Jiro Dagaalka Kooxda AS aay Tahay mamnuuc in la Maro Wadadaas.
Gobolka Hiiraan laga soo Bilaaawo Sanadkii 2022 ilaa 2025, waxa uu noqday xarunta ugu weyn ee dhaqdhaqaaqa ciidamada deegaanka ee Macawiisleeyda. Markii dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu xoogeystay, mamnuucidda Gaadiid safarka waxay noqotay hab ay Macawiisleydu ugu difaacaan guulahooda.