Jubbaland oo sheegtay in aysan ‘aqoonsanayn’ kaarka Aqoonsiga Qaranka ee NIRA.

0
21

Sabti, 26 Abriil, 2025 {HMC} Jubbaland ayaa sheegtay in aysan ‘aqoonsanayn’ kaarka Aqoonsiga Qaranka ee Hay’adda NIRA ay bixiso, si lamid ah Puntland oo horay u diiday.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay bulshada reer Jubbaland ku wargalinayso in sharci kasta oo aan heshiis lagu ahayn aysan qayb ka ahayn reer Jubbaland.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland waxay cadeenaysaa in aysan aqoonsaneyn waxa loogu yeeray kaarka Aqoonsinga Qaranka oo aan haysan sharciyad heshiis lagu yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka Jubbaland.

Waxay sheegeen in Kaarka Aqoonsiga Qaranka ay u arkaan wax loogu talagalay in lagu “meelmarsado dano siyaasadeed.”

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland waxay Bulshada ree Jubbaland ku wargalinaysaa in aysan ka qayb qaadan wax kasta oo jabinaya sharciga iyo qaanuunka u dagsan Dowladda Jubbaland,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Jubbaland ayaa sheegtay in dadka deegaanada ay ka taliso ku nool looga baahanyahay inay raacaan nidaamka iyo shuruucda u dagsan “Dowladda Jubbaland” ayna ka feegjignaadaan wax kastoo dhibaato u keeni kara.

Dowladda Jubbaland waxay xoogga saaraysa hormarinta danaha shacabka Jubbaland, waxayna marwaliba ka shaqenaysaa u adeegidda Bulshada Jubbaland ee wakiilatay,” ayaa lagu yiri warqadaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha arrimaha gudaha Jubbaland.

Puntland ayaa horay u diiday Hay’adda NIRA ee bixisa kaarka qaran ee aqoonsiga dadweynaha, waxayna sameysteen Hay’ad kale oo ayada lamid ah, taas oo dowladda federaalka ay ka hortimid, kana soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegtay in Saciid Deni uu carqaladeynayo Hay’adihii sharciga ahaa ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here