Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay heshiiskii shidaalka ay Soomaaliya la gashay Turkiga.

0
33

Sabti, 26 Abriil, 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa difaacay heshiiskii shidaalka ee dhowaan ay Soomaaliya la gashay Turkiga, isagoo sheegay inuu ku saleysan yahay “dano wadaag ah”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in cidna aysan Soomaaliya hore ugala hadal saliidda iyo gaaska, ayna tahay markii ugu horreysay taariikhda ee baaris lagu sameynayo shidaalka Soomaaliya.

“Baarista shidaalka ee meelaha ka baxsan xeebaha ayaa socda hadda sidaad aragteen, mar kale kan xeebaha ayaan saxiixnay, taas micanheeda maaha in fursaddan aan keliya Turkiga siineyno, balse waa dalka keliya ee dalbaday iyo kan keliya ee daneynayay,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Wuxuu xusay in maadaama Turkigu yahay kan ugu soo hormaray aanan laa barbardhigi karin shirkadaha iyo dalalka dib ka imaan doona toban sano kadib marka ay Soomaaliya noqoto dal shidaal soo saara.

Madaxweynaha sheegay in Turkiga iyo Soomaaliya ay leeyihiin xiriir muddo dheer socday, isla markaana uu Turkigu gacan dhexdhexaadin ah fidiyo marka ay Soomaaliya is qabtaan dalalka deriska ah.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada Soomaalida dood ka abuuray warbixin ay daabacay Nordic Monitor, taasi oo ka shaqeysa dabagalka iyo arrimaha cilmi baarisyada, waxaana mareegtaasi ay faah-faahisay heshiis la sheegay in sannadkii la soo dhaafay ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saabsanaa soo saarista shidaalka Soomaaliya.

Qodobada ku jiray heshiiskaasi waxaa ka mid ah hirgelinta hawshan iyo qaabka loo marayo iyo weliba sida labada waddan ay u qeybsanayaan faa’iidada marka shidaalka Soomaaliya la soo saaro.

Waxaa sidoo kale warbixinta heshiiska ku jirta habka loo xallinayo murannada iyo weliba haddii labada waddan ay isku fahmi waayaan waxyaabaha qaarkood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here