Mdaxweynaha Puntland Oo War Kasoo Saaray Shirkii ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya.

0
15

Sabti, 26 Abriil, 2025 {HMC}  Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud inuu ka dhabeeyo gogosha wada-hadal ee uu u fidiyay saamileyda siyaasadda.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Deni ma caddeyn mowqifkiisa ku aaddan in Puntland ay ka qeyb geli doonto gogoshada uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iclaamiyay.

Deni ayaa xusay in muddadii ay Puntland ka maqneyd shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, in laga weecday dastuurkii horey loogu heshiiyay.

Wuxuu ku baaqay in dib looga noqdo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, isla markaana si qoto dheer loo eego tallaabo kasta oo la qaadayo.

“Madaxweynaha wuxuu ku dhawaaqay inuu gogol u fidinayo dadka saamaynta ku leh siyaasadda Soomaaliya. Waxaan ka codsanayaa inuu arrintaas ka dhabeeyo. Puntland hore ayay ugu dhawaaqday gogol wadahadal oo ay ugu yeeraysay ummadda Soomaaliyeed inay isugu timaado si xal waara loo gaaro,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni wuxuu carrabka ku adkeeyay in labada Aqal ee Baarlamaanka looga baahan yahay inay ilaaliyaan midnimada dalka, ayna diidaan wax kasta oo lid ku ah wadajirka dadka.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka lagu qaban doono bisha soo socota ee May, xilli uu ka qeyb galayay shir ay isugu yimaadeen Midowga Afrika iyo dalalka ugu deeqay Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here