Wafdi sare oo ruushka ka socdo oo gaaray magaalada muqdisho

0
29

Sabti, 26 Abriil, 2025 {HMC} Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee dalka Ruushka, ahna Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka u qaabilsan Bariga Dhexe iyo Afrika, Mikhail Bogdanov, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Mikhail Bogdanov ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde si rasmi ah ugu soo dhaweeyay Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Maxamuud Mursal, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Booqashada Bogdanov ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga dhaqaale, iyo arrimaha amniga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka. Sidoo kale, socdaalkiisu wuxuu qeyb ka yahay dadaallada Ruushka ee lagu ballaarinayo saameyntiisa diblomaasiyadeed ee Bariga Dhexe iyo Qaaradda Afrika.

Inta uu joogo Muqdisho, Mikhail Bogdanov ayaa la filayaa inuu kulammo rasmi ah la yeesho madaxda sare ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo looga hadli doono arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga labada dal, taageerada Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta, iyo arrimaha gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay dadaallada dowladda Ruushka ee lagu taageerayo Soomaaliya, iyada oo muujisay sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here