Wararkii ugu dambeeyay Dagaalo Culus oo ka dhacay Aboorey.

0
59

Sabti, 26 Abriil, 2025 {HMC}  Warar dheeraad ah ayaa ka imaanaya deegaanka Yasooman iyo nawaaxigiisa OO dagaalo ay ka socdeen 48-saac ee lasoo dhaafay, Dagaaladaas oo  dhaxeeya Xubno ka tirsan AS iyo Ciidanka Deegaanka iyo kuwa ka tirsan DF.

Dagaaladaan waxay si gaar ah uga socdaan dhulka ka hooseeya Buuraha Yasooman ilaa Deegaanka Aboorey oo dhamaan tood hoos taga Degmadda Buulo-barde ee Gobalka Hiiraan.

Gudoomiyaha deegaanka Yasooman ayaa Hiiraanweyn u sheegay in 21 ka tirsan AS ay ku dileen dagaaladii ugu dambeeyay ee kooxda ay la galeen ee ka dhacay inta u dhaxeysa Aboorey ilaa dhulka balaaran ee Yasooman u dhow, waxaana dhanka kale uu xaqiijiyay in kooxda ay qoteen godad ay Difaaca ka galeen,  waxaana arintaan uu u sababeeyay sababta khasaaraha badisay Dagaalkana kooxdana ay halkaas uga wada saari waayeen.

Dhinaca kale Masuuliyiin horleh oo Saraakiil ciidan ay qeyb ka yihiin ayaa maanta ku biiray dagaalka Yasooman iyaga oo ku baaqay in aan loo karin dagaalka oo dadka maqan ay yimaadaan furimaha hore.

Dagaalo kasoo billowday deegaanka cadow gurey ayaa ku baahay dhul hor oo hoostaga Buulo-burde waxaa dadaalo joogta ah wada ciidanka loo yaqaano Macawisley oo todobaadkaan dagaalo badan kooxda la galay guulana ka sheegtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here