Xildhibaanno ka soo jeeda Jubbaland oo kahor yimid Tallaabo ay qaaday dowladda Soomaaliya.

0
28

Sabti, 26 Abriil, 2025 {HMC} Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo laga soo doorto Jubbaland ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay olole militari oo sharci-darro ah ka bilowday gobolka Gedo, waxayna ka digeen in duullaankani uu halis gelinayo xasilloonida deegaanka isla markaana uu ka hor imanayo Dastuurka ku-meel gaarka ah ee dalka.

War-murtiyeed wadajir ah oo erayo adag lagu dhigay oo ay soo saareen, ayay 32 xildhibaan ku cambaareeyeen geynta ciidamada federaalka ee degmada Beled-Xaawo. Waxay ku tilmaameen tallaabadan “duullaan militari oo aan sabab lahayn oo lagu beegsanayo shacabka Jubbaland” iyo mid “sababaya cabsi iyo barakac soo food saara dadka rayidka ah.”

“Awoodda militari ee ay dowladda federaalku u adeegsanayso deegaannada nabdoon ee Jubbaland waa daandaansi aan cudurdaar lahayn,” ayay yiraahdeen xildhibaannada. “Ololahan wuxuu wiiqayaa xasilloonida gobolka, waana ixtiraam-darro ka dhan ah nidaamka federaalka.”

Xildhibaannadu waxay ku boorriyeen Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed inay si degdeg ah u joojiyaan hawlgalka ayna ciidamadooda kala baxaan Beled-Xaawo. Waxay ku andacoodeen in saraakiil sare oo ay ku jiraan wasiirro iyo taliyeyaal ciidan ay ka dambeeyaan damaca ah in si toos ah loola wareego maamulka gobolka.

Waxay sidoo kale cambaareeyeen magacaabista ay dowladda federaalku u samaysay wax ay ku tilmaameen guddiyaal aan dastuurka waafaqsanayn oo aan matalin shacabka si ay u kormeeraan arrimaha gobolka Gedo, iyagoo ka digay in tallaabooyinka noocaas ah ay kicin karaan qalalaase cusub.

Marka laga soo tago welwelka dhanka militariga, xildhibaannadu waxay dowladda federaalka ku eedeeyeen inay siyaasadaysay gargaarka bani’aadannimada iyagoo gargaarkii caalamiga ahaa ka joojiyay deegaannada taageersan Jubbaland. Waxay arrintan ku sifeeyeen nooc ka mid ah ciqaab wadareed oo aan keliya ku xadgudbayn axdiga federaalka Soomaaliya laakiin sidoo kale abuuraysa tusaale halis ah mustaqbalka.

“In bulshooyin dhan lagu ciqaabo aragtidooda siyaasadeed waa arrin aan dastuurka waafaqsanayn oo aan anshax ahaan la difaaci karin,” ayay hadalkooda raaciyeen.

Xildhibaannadu waxay ka codsadeen saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya inay si dhow ula socdaan xaaladda ayna cadaadis ku saaraan dowladda federaalka inay u hoggaansanto mabaadi’da dastuuriga ah. Waxay ka digeen in tallaabooyinka aan la xakamayn ee dowladda federaalku ay burburin karaan midnimada qaranka ayna carqaladayn karaan dadaallada lagu doonayo xasilinta dalka.

“Waxaan ka codsanaynaa xulafada Soomaaliya inay dhowraan nidaamka federaalka ayna ka hortagaan ku takrifalka hay’adaha qaranka ee loo adeegsanayo dano siyaasadeed,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Beled-Xaawo, ayaa xudun u ahaa khilaaf soo jireen ah oo u dhexeeyay dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland. Isku dhacyo soo noqnoqday, sheegashooyin iska soo horjeeda oo dhanka awoodda maamul, iyo is afgaran-waa ku saabsan isku-duwidda amniga ayaa xumeeyay xiriirka labada dhinac sannado badan.

War-murtiyeedkan ayaa muujinaya sare u kac ku yimid luqadda siyaasadeed ee ay adeegsanayaan xildhibaannada taabacsan Jubbaland, wuxuuna ku soo aadayaa xilli ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo cusub oo ay wadaan ciidamada federaalka.

War-murtiyeedka waxaa saxiixay 32 xildhibaan, oo ay ku jiraan shakhsiyaad miisaan leh sida Dr. Mursal Maxamed Khaliif, xildhibaan Faadumo Faarax Aadan, iyo Senator Maryan Faarax Kaahiye.

“Haddii tallaabooyinkan ay sii socdaan,” ayay yiraahdeen xildhibaannadu, “Dowladda Federaalku waxay qaadi doontaa mas’uuliyadda buuxda ee cawaaqibka ka dhasha.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here