Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland oo Howlgallo Ka Fuliyay Buuraha Gobolka Bari

0
16

Axad, 27 Abriil, 2025 {HMC}  Taliska Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalo ay saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen inta u dhaxeysa deegaannada Turmasaale iyo Makadaan ee gobolka Bari.

Howlgallada ay ciidamada sameeyeen ayay waxaa ay ku beegsadeen Saldhigyo ay ku sugnaayeen Xubnaha Daacish oo ku yaalla Buuraha Caalmiskaad.

Ciidanka ayaa howlgallada ay sameeyeen waxaa ay ku soo saareen miinooyin ay xubnaha Daacish ku aaseen deegaannada howlgallada ka socdaan.

Sidoo kale, Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in ay dileen xubno ka tirsan Daacish oo miinooyin ku aasayay dhulka ay marayaan ciidanka howlgallada ka wada gobolka Bari.

Howlgallada ay wadaan ciidanka Puntland ayaa ku soo aadaya xilli Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland magaalada Boosaaso uu tababar ugu soo xiray cutubyo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan ciidamada PMPF.

Saciid Deni ayaa ku dhawaaqay in ay billaabayaan howlgal ka dhan ah AS oo ay ku qaadi doonaan dhulka Buuraha ee gobolka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here