Dowladda soomaaliya oo soo dhaweysay wadahadallada u dhaxeeyo Rwanda & Congo

0
9

Axad, 27 Abriil, 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay baaqa ay kala saxiixdeen dowladaha Kongo (DRC) iyo Rwanda ee wada hadalka ah, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay ay ka socdeen dagaallo; iyada wadahadalladaas uu fududeeyay Mareykanka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa bogaadisay doorka uu Maraykanku ka qaatay dhexdhexaadinta labadaas dal.

“Soomaaliya waxay ku ammaanaysaa labada dal sida hagar la’aanta ah ee ay uga go’an tahay wada-hadallada iyo dibloomaasiyadda, waxayna bogaadinaysaa doorka muhiimka ah ee uu Maraykanku ka qaatay dhexdhexaadinta doodahaas”. ayaa lagu yiri, qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here