Sabti, 26 Abriil, 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay ammaanka guud ee Hirshabeelle iyo deegaannada maamulkaas.
Kulan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Amniga ee Hirshabeelle, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida iyo Saraakiisha AUSSOM, iyaga oo halkaas Madaxweynaha warbixinno ka siiyay halka ay wax marayaan.
Sidoo kale, Taliyaha ciidamada AUSSOM gaar ahaan kuwa Burundi Col. Oscar Hatungiman, ayaa sheegay in ay sii xoojinaayaan dadaallooda dhanka nabad-galyada ee ay ka wadaan deegaannada Hirshabeelle oo ay ku sugan yihiin qeybo kamid ah maamulkaas.
“Dowladda iyo Shacabka Burundi waxaan uga mahadcelinayaa naf-hurnimada ciidamadooda, kaalin muuqato ayay ku leeyihiin howlgalka AUSSOM”. ayuu yiri, MW Cali Guudlaawe.
Kulankaan ayaa imaanaya xilli ay muddooyinkii dambe ay deegaannada maamulkaas ka socdaan hawlgallo ka dhan Al-shabaab, kuwaas oo ay qeyb ka hihiin ciidamada deegaanka.