Axad, 27 Abriil, 2025 {HMC} Qarax xooggan ayaa Sabtidii gilgilay deked ganacsi oo muhiim ah oo ku taalla Koonfurta Iran, waxaana ku dhintay ugu yaraan 15 qof, halka in ka badan 750 oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Inkasta oo aan si degdeg ah loo caddeyn sababta qaraxa, xafiiska kastamka dekedda ayaa war uu baahiyey telefishinka dowladda ku sheegay in ay suuragal tahay in qaraxu ka dhashay dab ka kacay bakhaar lagu kaydiyo kiimikooyinka iyo alaabaha halista ah.
Warbaahinta dowladda ayaa ku warrantay in qaraxa xooggan uu ka dhacay dekedda Shahid Rajaee oo ah dekedda ganacsi ee ugu weyn Iran, kuna taalla gobolka Hormozgan ee xeebta koonfureed.
Dabka ka dhashay qaraxa ayaa weli ka holcayay goobta in ka badan toddobo saacadood kadib qaraxa, oo sida ay warisay wakaaladda wararka ee Mehr, dhacay waxyar ka hor duhurnimo waqtiga maxalliga ah (0830 GMT).
Weriye ka tirsan telefishinka dowladda ayaa sheegay in dabaylo xooggan ay adkeeyeen daminta dabka.
Sawirro ay baahisay wakaaladda wararka ee dowladda ee IRNA ayaa muujinaya kooxaha gurmadka iyo dad badbaaday oo maraya wado ballaaran oo ay daadsan yihiin burburka iyo qashinka ka dhashay qaraxa.
Gubasho xooggan ayaa qabsatay gaari xamuul ah, halka dhiigguna uu ka muuqday gaari burburay oo dhinaciisa dhiiggu daatay. Diyaarad helikobtar ah ayaa biyo ku shubaysay qiiq madow oo cirka isku shareeray, oo ka kacayay meelaha ay yaalliin weelasha raran ee dekedda.
Telefishinka dowladda oo soo xiganaya hay’adaha gurmadka degdegga ah ayaa sheegay in “boqollaal qof loo qaaday xarumaha caafimaad ee ku dhow,” halka xarunta dhiig-ururinta ee gobolka ay codsatay in dadku dhiig ku deeqaan.
Telefishinka dowladda ayaa markii dambe soo xigtay mas’uul ka tirsan Hormozgan oo sheegay in tirada dadka dhintay ay gaartay 15.
Fiidiyow lagu baahiyey baraha bulshada – oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin – ayaa muujinaya nin duubaya muuqaalka masiibada oo leh: “Gaarigaygii gabi ahaan wuu burburay, saaxiibkayna wuu dhintay,” iyadoo meyd ku yaalla dhulka la arkayo.
Sabtida ayaa ah maalinta ugu horreysa ee usbuuca shaqada ee Iran, taasoo la micno ah in dekeddu ay mashquul ahayd xilliga uu qaraxu dhacay.
Saddex muwaadin oo Shiinees ah ayaa si fudud ugu dhaawacmay, sida uu sheegay telefishinka dowladda Shiinaha ee CCTV oo soo xiganaya qunsuliyadda Shiinaha ee Bandar Abbas.
Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa tacsi u diray dadkii ku waxyeelloobay qaraxa, isagoo sheegay in uu “faray in si degdeg ah baaritaan loogu sameeyo xaaladda iyo sababaha qaraxa.”
Pezeshkian ayaa intaa ku daray in Wasiirka Arrimaha Gudaha Eskandar Momeni uu tegi doono goobta si uu baaritaan ugu sameeyo dhacdada.
Dekedda Shahid Rajaee, oo in ka badan 1,000 kiiloomitir (620 mayl) koonfur ka xigta Tehran, ayaa lagu tilmaamaa dekedda ugu casrisan ee xamuulka konteenarrada ee dalka Iran, sida ay sheegtay IRNA.
Waxay 23 kiiloomitir galbeed kaga beegan tahay Bandar Abbas, oo ah caasimadda gobolka Hormozgan, kuna dhow marin-biyoodka Hormuz, oo ah halkii uu ka gudbo shan meelood meel saliidda adduunka laga dhoofiyo.
– Konteenarro qarxay –
Mehrdad Hassanzadeh, oo ah madaxa maamulka musiibooyinka ee gobolka, ayaa u sheegay telefishinka dowladda in “qaraxa uu ka dhashay dhowr konteenar oo kaydnaa aagga dekedda Shahid Rajaee.”
Wakaaladda wararka ee Fars ayaa sheegtay in qaraxa xooggiisa la dareemay lagana maqlay meel 50 kiiloomitir u jirta dekedda.
Tasnim news agency ayaa ku warrantay in “mowjadaha qaraxa ay si xun u burburiyeen inta badan dhismayaasha dekedda.”
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in dalkiisu “garab istaag iyo midnimo” la garab taagan yahay Iran kadib qaraxa.
Shirkadda qaranka ee qaybinta shidaalka ee Iran (National Iranian Oil Products Distribution Company) ayaa sheegtay, sida ay werisay warbaahinta maxalliga ah, in “qaraxa ka dhacay dekedda Shahid Rajaee aanu wax xiriir ah la lahayn warshadaha sifaynta, haamaha shidaalka, xarumaha qaybinta ama dhuumaha saliidda.”
Waxay intaas ku dartay in “xarumaha shidaalka ee Bandar Abbas ay si caadi ah u shaqeynayaan, iyada oo aan jirin wax hakad ah.”
Qaraxan dhifka ah ayaa dhacay bilooyin kadib musiibadii ugu dhimashada badnayd ee Iran ka dhacda sannadihii u dambeeyay, markii bishii Sebteembar qarax ka dhashay xiiq gaas uu ku dilay in ka badan 50 qof macdanta dhuxusha ee Tabas oo ku taalla bariga dalka.
Qaraxa Sabtidii dhacay ayaa sidoo kale yimid xilli ay socdaan wadahadallo heer sare ah oo u dhexeeya Iran iyo Mareykanka oo ka dhacay dalka Cummaan, lagana hadlayay barnaamijka nukliyeerka Iran. Labada dhinacba waxay sheegeen in horumar la gaaray.