RW xamse oo isku shaandheyn ku sameeyay xubno kamid ah golaha Wasiirrada.

0
30

Axad, 27 Abriil, 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah isku shaandheyn ugu sameeyay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda, iyadoo isbeddelkaasi lagu doonayo in lagu xoojiyo howlaha dowladda iyo dadaallada horumarinta dalka.

Afhayeenka Xukuumadda, Farxaan Maxamed Jimcaale, ayaa si rasmi ah ugu akhriyay warbaahinta liiska magacyada iyo xilalka cusub ee loo kala beddelay wasiirrada.
Isbeddellada muhiimka ah ee dhacay waxaa ka mid ah:

Axmed Macallin Fiqi ayaa loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo horey u ahaa Wasiirka Gaashaandhigga ayaa loo beddelay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee cusub ee ayaa sidoo kale loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/Salaan Cabdi Cali Dhaay.

Isku shaandheyntan ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay dadaalka lagu dardargelinayo shaqada xukuumadda, iyadoo la tixgelinayo xaaladda siyaasadeed iyo amniga ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in isbeddelkan uu yahay mid lagu xoojinayo hoggaanka dowladda si loo dardar-geliyo qorshayaasha hormarineed, isla markaana loogu adeego shacabka Soomaaliyeed si hufan oo wax-ku-ool ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here