Axad, 27 Abriil, 2025 {HMC} Wafdi sare oo ka socda dowladda Ruushka, oo uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, Mikhail Bogdanov, ahna Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka u qaabilsan Arrimaha Bariga Dhexe iyo Wadamada Afrika ayaa kulamo la filayaa in ay la yeeshaan Madaxda sare ee dalka.
Wafdigan oo ku sugan Muqdisho ayaa ujeedkoodu yahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dowladood, iyadoo la doonayo in dib loo bilaabo iskaashi ballaaran oo ku saleysan danaha wadaagga ah.
Labada dhinac ayaa qorsheynaya inay iskaashi dhow ka yeeshaan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, iyo mashaariicda horumarineed ee labada dal ka faa’iideysan karaan.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin, sidii looga shaqey lahaa horrumarinta xiriirka iskaashi ee Ruushka iyo Soomaaliya.
Dhankiisa, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Mikhail Bogdanov, ayaa tilmaamay in Ruushka uu aad u daneynayo inuu sare u qaado xiriirka Soomaaliya, isagoo sheegay in, Ruushka uu garab taagan yahay Soomaaliya, kana go’an tahay inuu xoojiyo taageerada ay siiso dadaallada nabadda, xasilloonida, iyo horumarka.”
Wafdiga Ruushka ayaa la filayaa inay kulammo la yeeshaan madaxda sare ee dowladda Soomaaliya, si loo dardargeliyo heshiisyo iyo iskaashi rasmi ah loo gaaro.
Xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka ayaa leh taariikh dheer oo soo jireen ah, waxaana hadda muuqata dadaallo cusub oo lagu doonayo in xiriirkaasi sare loo qaado.