Ciidamada Deegaanka oo qabtay geel loo waday kooxda AS.

0
51

Isniin 28, April 2025 {HMC} Ciidamada Deeganka ee Gobolka Hiiraan ayaa qabtay 13 neef oo geel ah kuwaaasi oo loo waday kooxda AS ee ku sugan degmada Aadan yabaal ee Gobolka Shabeelada dhaxe.

Xoolahaan ayaa lagu qabtay deegaanka qandho ee bariga gobolka hiiraan.

Geelaan ay qabteen ciidamada Deegaanka ayaa laga keenay Degmada Buul-burde ee Gobolka Hiiraan iyadoo ujedku ahaa in loo geeyo kooxda AS balse Ciidamada Deegaanka oo ka war helay Xogta Geelaan ayaa Wadada ugalay iyagoona ugu dambayn gacanta kusoo dhigay.

Gudoomiyaha Degmada Moqokori ayaa lagu wareejiyay geelan iyadoo la sheegay in qaar kamid ah gella ay lahayeen Ganacsato basle Maamulka Degmada Moqokori aya baris kuwada Cidda rasmiga ah ee laheed iyo ujeedka laga lahaa.

Maalmihii lasoo dhaafay Ciidamada deegaanka ee Macawilayda ayaa weeraro isdaba joog ah ku qaadayay Xubno katirsan kooxda AS oo ku sugaan aagga degmada Aadan Yabaal iyagoo qasaaro kala duwan gaarsiiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here