Talaado 29, April 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa qasriga madaxtootayada ku qaabilay madaxa xafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka uu marayo, shirarka la filayo iney dhacaan ee arrimaha dalka looga arrinsanyo, amniga iyo la dagaalanka Al-shabaab iyo howlaha ay hay’adaha qarramada Midoobay ka wadaan deegaannada Galmudug.
Sidoo kale, Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira bini’aaddnimada iyo mashaariicda horumarineed ee kaabayasha dhaqaale sida waddooyinka & Airport ka caasimadda.
Kulankaan James Swan iyo Madaxeynaha Galmudug ayaa imaanay xilli uu madaxa xafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ay hawlo shaqo ku joogaan maamulkaas.