Arbaco 30, April 2025 {HMC}Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ugu hambalyeysay dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda Maanlinta Shaqaalaha Adduunka oo ku beegan maalinta Khamiista, 1-da Maajo 2025.
Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ay maalinta berri tahay maalin fasax qaran oo loo asteeyey shaqaalaha, iyada oo lagu maamuusayo dadaalkooda iyo doorkooda muhiimka ah ee horumarinta dalka.
“Haddaba Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay idin ku wargelineysaa dhammaan Shaqaalaha Dowladda & Shaqaalaha Gaarka ah in maalinta khamiista oo ay taariikhdu tahay 01-05-2025 ay tahay maalin Fasax ah”. ayaa lagu yiri, qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Sannad xilligaan oo kale, bisha May 1-deeda ayaa la xusaa Maalinta Shaqaalaha Adduunka, iyada la sheegay in maalintaan lagu maamuusayo dadaalkooda shaqo.