Garoonka Diyaaradaha Baladweeyne oo u Xirmay Rooba Da,ay Dartiis

0
16

Arbaco 30, April 2025 {HMC}Duulimaadkii Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne ayaa maanta xiran iyadoo boqolaal shacab ay ku xiyiran yihiin Garoonka Aadan cade ee muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Duulimaadka waxaa Saameeyn ku yeeshay Roob Xalay ka da’ay Magaalada Baladweyne iyo deegaanada kale ee hoosyimaado,Diyaaradahii saaka ka duuli lahaa iyo kuwii kusoo dagi lahaa garoonka ugaas khaliif ee Baladweyne ayaa baaqday.

Diyaaradaha Rakaabka iyo kuwa Xamuulka kuwa qaadka ayaa dhamaan imaan manta Baladweyne. Waxaana qeeybo kamid ah Garoonka fadhiistay Biyo Sida ay Hiiraanweyn usheekeyn Madaxda Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif. Caqabadan ayaa haystatay  Bulshada Baladweyne Mudo dheer, iyada oo Garoonka diyaaradaha uusan helin wax dib udhis ama dayactir ah. Rakaabkii Baladweyne ka bixi lahaa Manta ayaa intooda badan loo qaaday degmada guriceel oo Baladweyne u jirta 100km wax ka badan.

Bulshadii saakay ka bixi laheeyd Garoonka ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya iyo Hirshabeelle ay ka gaabiyeen dhismaha Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif. Iyada oo Garoonadii kale ee Gobolada dalka intooda badan loo dhisay hab Casri ah.

Enjineerada Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in garoonka uu dhow yahiin dhul buuraleey ah, kuwaas oo biyaha kasoo rogmada ay si toos ah Garoonka kusoo gaaran. Waxaana ay sheekey in loo baahan yahay in biyahaas laga xiro Garoonka.

Hirshabeelle oo dhowr jeer sanad walba dib u dhayactir ku sameeyso Hadane Lagu Guuleeysan wali in Garoonka uu shaqeeyo Xili roobaadka, waxaana dadka ay is weydiinayaan ilaa intee la eg ayey xaaladan Baladweyne kusii jire doontaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here