Somaliland iyo Puntland oo is dhaafsanaya Maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Goojacadde.

0
9

Arbaco 30, April 2025 {HMC} Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maanta Somaliland xabsiga ka sii deyn doonto 11 maxbuus oo ka tirsan kuwa lagu qabtay dagaalkii Goojacadde ee u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo.

Sii deynta maxaabiistan ayaa lagu sheegay in ay qayb ka tahay dadaallo lagu raadinayo nabada deegaannada labada sano ka hor lagu dagaamay.

Qaar kamid ah Maxaabiista ayaa la sheegay in ay ku jiraan askar ka tirsana Maamulka Puntland, waxaana la filayaa in laga dajiyo magaalada Garoowe.

Hore waxaa u socday dadaalo maxaabiis is dhaafsi ah, iyada oo maamulka SSC Khaatumo dhawaan sii daayay 25 Maxaabiis oo lagu qabtay dagaalkii Laascaanood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here