Arbaco 30, April 2025 {HMC} Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.
Taliyaha ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen Taliyaha Qaybta 21-aad, Col. Maxamed Dhagawayne, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale uu taliyaha ka qaatay salaan sharaf cutubyo ka tirsan ciidanka dhulka oo ku sugnaa garoonka.
Booqashada Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa qeyb ka ah kormeerada joogtada ah ee lagu dhiirrigelinayo ciidanka, laguna dar-dar gelinayo howlgalka sifeynta Khawaarijta ee ka socda gobollada dhexe.