Xildhibaan Dalxa oo ka hadlay Xiisada ka taagan Baarlamaanka Soomaliya-Fariina udiray……..

0
14

Arbaco 30, April 2025 {HMC} – Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo wareysi gaar ah siiyay Teleshinka Universal ayaa si qoto dheer uga hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Golaha Shacabka, taas oo saameysay shaqadii uu hayay Baarlamaanka.

Dalxa ayaa marka hore sharci darro ku tilmaamay tallaabada uu qaaday Sheekh Aadan Madoobeee uu ku xiray fadhiyadii Baarlamaanka, isagoo farriin u diray madaxweynaha.

Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa ayaa ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu soo farogeliyo xiisadda Baarlamaanka, si xal loogu helo muranka taagan

“Waa sharci daro in uu Baarlamaanka uu xirto Sheekh Aadan Madoobe, Madaxweynaha isagaa ah Ilaaliyaha sharciga kama baaqsanayso in uu soo faragaliyo buuqa Baarlamaanka” ayuu yiri Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa.

Waxaa kale oo uu yiri “Baarlamaanka wuxuu ku furmayaa sharci, wuxuuna ku xirmayaa sharci, waxaana furaya madaxweynaha hadane marka la xirayo madaxweynaha ayaa ka khudbeynayo.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ay sii laba kacleyneyso xiisadda ka dhex taagan Baarlamaanka, taas oo ka dhalatay mooshin xilka qaadis ah oo ay qaar kamid ah Xildhibaannadu ka keeneen guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe.

Waxaa guud ahaan hakad-galay shaqadii Baarlamaanka oo xiran muddo ku dhow laba isbuuc, sababo la xiriira khilaafka soo cusboonaaday ee ka taagan golaha dhexdiisa.

Xildhibaannada iyo guddoonka ayaa isku qabtay arrinta Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo horay looga saaray Baarlamaanka, kadib tallaabo uu qaaday guddoonka.

Marka laga soo tego xiisaddan, waxaa Baarlamaanka Soomaaliya horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa.

Kaldhigii ugu dambeeyay ayay xildhibaannadu ku gaareen go’aanno culus oo la xiriira doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka, xilli ay weli diidan yihiin mucaaradka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here