Ciidamo dowladda ka tirsan oo ku baxay xiisad colaadeed oo ka taagan Miyiga Matabaan

0
18

khamiis 08, May 2025 {HMC} Ciidamo isugu jira Nabadsugid iyo Militari ayaa ku baxay xiisad colaadeed oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ka taagneyd deegaanada Miir dacay Miir makaleey oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Ciidamadaan ayaa kala dhex galaya laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, kadib xiisad ka dhalatay dil maalmo ka hor laba nin oo xoolo dhaqato ahaa oo kasoo jeeda Hiiraan loogu geystay deegaanka Miir dhacay oo qiyaas ahaan 25 KM dhanka Waqooyi Galbeed kaga beegan degmada Matabaan.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada ku baxay daminta Colaada kasoo cusboonaatay Miyiga Matabaan oo kala ah dhame Cabdi Cismaan Waasuge, Cabdi Muumin Cilmi iyo guddoomiyaha degmada Matabaan Bashiir Cabdiraxmaan Sheekeeye ayaa fagaareyaal kula hadlay dhinacyadii ku daggaalamay tuulooyin hoostaga Matabaan, iyagoona ka codsaday iney nabad ku wada noolaadaan.

Talaabadaan ay dowladda fedaraalka ciidanku ku kala dhex dhigtay labada Maleeshiyo beeleed ayaa ah mid la xariirta sidii loo xakameyn lahaa inuu halkaasi markale dagaal khasaare geysta ku dhexmara beelahaan walaalaha ee colaadoodu u dhaxeyso.

Ma aha markii ugu horeysay oo dagaal beeleed uu ka dhaco deegaano hoostaga degmada Matabaan, hayeshee dagaal beeleedkaan ayaa kusoo aadaya xili dalka uu ka socdo dagaal culus oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab, waxaana la tilmaamaya in dagaalada sokeeye ay dib u dhac ku keeni karaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here