Gantaalada Pakistan ee xambaara nukliyeerka ee Mareykanka gaari kara

0
8

khamiis 08, May 2025 {HMC}-  Sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Pakistan ay ku guda jirto ka shaqeynta nukliyeerka ayna sameyneyso gantaalada riddada dheer kuwaas oo gaari kara meelo ka baxsan Koonfurta Aasiya ilaa Mareykanka.

Maraykanka ayaa mar xulafo dhow la ahaa Pakistan, hadda se waxa uu ka hadlayaa oo uu ka walaacsan yahay barnaamijka gantaallada ee Pakistan.

Ku xigeenka la taliyaha amniga qaranka Mareykanka John Finer ayaa sheegay in su’aasha muhiimka ah ee ka dhalaneysa waxa ay Pakistan sameyneyso ay tahay waa maxay hadafkeeda ka dambeeya barnaamijkeeda gantaalada ballistic-ga.

“Dhaqdhaqaaqyada Pakistan looma eegi karo si kale marka laga reebo inay khatar ku tahay Maraykanka. Pakistan waxay samaysay gantaalo ay ku rakiban yihiin tignoolajiyada casriga ah,” ayuu yiri Finer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here