Madaxweyne Trump oo saacadaha soo socda shaacin doona qorshaha Qasa iyo cidda maamuli doonta

0
5

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in faahfaahinta wadahadallada la xiriira Marinka Qasa lagu dhawaaqi doono 24 saacadood ee soo socda, isagoo aan bixin wax xog dheeraad ah.

Sida ay werisay wakaaladda wararka ee Reuters, Washington iyo Israa’iil ayaa horey uga wadahadlay xaaladda Qasa, oo ay ka mid tahay in la dhiso xukuumad kumeelgaar ah oo uu hogaaminayo sarkaal Mareykan ah si uu u maamulo Qasa ilaa xaaladdu ay degto lana gaaro hub ka dhigis buuxda. Kadibna, waxaa la dhisi doonaa Maamul Falastiiniyiintu leeyihiin oo joogto ah.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in maamulkaasi aaney ka mid noqon doonin ururka Xamaas ama Maamulka Falastiin, balse ay ka shaqeyn doonaan farsamayaqaano Falastiiniyiin ah. Ma jiri doono jadwal rasmi ah oo loogu talagalay muddada uu maamulkaasi sii jiri doono, iyadoo lagu saleyn doono xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta dhulka.

Warbixinnada qorshahan la soo jeediyay ayaa is barbardhigaya wixii ka dhacay dalka Ciraaq sanadkii 2003 kaddib duullaankii Mareykanka, markaas oo Washington ay dhistay maamul kumeelgaar ahaa si uu u xukumo dalkaasi. Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, dalal kale ayaa lagu casuumi doonaa inay ka qaybqaataan maamulkaas, inkastoo aan la cayimin dalalkaas ama hannaanka ay kaga mid noqon doonaan qeybta maamulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here