Jimco 09, May 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Dowladda UK.
Wafdigaan oo ay hoggaamineyso Harriet Mathews, Agaasimaha Guud ee UK u qaabilsan Afrika iyo Ameerikada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Midowday (FCDO) ayaa Soomaaliya u yimid sidii loo xoojin lahaa Wadashaqeynta labada dal.
Kulanka Madaxweynaha iyo Wafdiga ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Boqortooyada UK, iyadoo si gaar ah looga hadlay amniga, howlgalka AUSSOM, horumarka siyaasadeed iyo sida loo sii adkayn karo guulaha laga gaaray nabadgelyada iyadoo la adeegsanayo wada shaqayn iyo taageero iskaashi oo joogto ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya in ay sii xoojiso iskaashiga istiraatiijiga ah ee kala dhaxeeya UK, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta, doorashooyin qof iyo cod ah ku saleysan, iyo nabad muddo dheer lagu naaloon karo guud ahaan gobolka.