Mareykanka oo shaaciyay dhaqaalaha kaga baxay Dhismaha Ciidanka Xoogga

0
12

Jimco 09, May 2025 {HMC} Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Mareykanka ay tan iyo sanadkii 2007 si toos ah ugu taageertay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed lacago gaaraya $782 milyan, taas oo qeyb ka ah dadaallada Mareykanka ee lagu dhisayo hay’adaha amniga Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in taageeradaasi ay qeyb ka tahay xoojinta awoodda CXDS si ay ula dagaallamaan AS, u sugaan amniga dalka, ugana shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida guud ee Soomaaliya.

“Waxaan si toos ah u maalgelinay tababarka, qalabaynta, iyo taageerada howlgal ee ciidanka Soomaaliyeed tan iyo 2007, si loo xaqiijiyo in Soomaaliya yeelato ciidan qaran oo awood u leh difaaca shacabka iyo qaranka,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale xustay in ay sii wadi doonto iskaashiga dhow ee ay la leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo dhiso hay’adaha amni ee dalka.

Warbixinta ayaa imaaneysa xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala guur ah oo dhanka amniga ah, iyadoo ciidamada ATMIS ee hadda loo beddelay AUSSOM wajahayaan dhaqaale la’aan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here