Jimco 09, May 2025 {HMC} Lix qof oo ah hal qoys ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday hoygooda oo ku yaal magaalada Mandheera.
Weerarka oo lagu sheegay in uu yahay mid aano-qabiil salka ku haya ayaa dabo socday colaado dhulka miyiga ah ku dhexmaray labo reer oo wada degan magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Barri Kenya.
Cabdulaahi Macalin Xasan oo la walaal ah ninka qoyskiisa la dilay ayaa faahfaahiyay sida ay wax u dhaceen.