Axad, May 11, 2025 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo garab ka helaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday kooxaha Al shabaab ka fuliyey tuulooyinka Kuraaw-rooge iyo Dhanbalka, kuwaas oo hoos yimaada deegaanka Deynuunay, gobolka Baay.
Howlgalka ayaa lagu burburiyey xarumo muhiim ah oo Al shabaab ay ku lahaayeen halkaasi, kuwaas oo u adeegayey abaabulka falalka amni-darrada ah. Gashaanle Dhexe Cabdiraxmaan Nishow Cali iyo Taliyaha Daraawiishta Burjaad G/le Awul Ibraahim Cabdullaahi ayaa sheegay in ujeeddada howlgalka ay ahayd xaqiijinta amniga, ciribtirka Khawaarijta, iyo xoojinta haykalka dowladnimo ee deegaanka.
Taliyayaashu waxay xuseen in shacabka deegaanka ay si wanaagsan u garab taagan yihiin ciidanka, taas oo sahashay in howlgalka lagu fuliyo si hufan.