Gudoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe oo tagay Deeganadii Saake lagu Dilay dadka Shacabka ahaa.

0
35

Axad, May 11, 2025 {HMC} Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Mudane Maxamuud Maxamed Nuur ayaa tagay Tuulada Koogaar/Burdheere ee Gobolka Shabellaha Dhexe oo Saakay Kooxo hubeysan ku dileen laba kamid ah dadka Deegaanka waxgalka u ahaa

Maxamuud Maxamed Nuur  gudoomiyaha Shabeellaha dhaxe ayaa ugu horeyn u tacsiyadeeyey Ehelada iyo dadka deegaanka ay ka baxeen marxuumiinta isagoona ka qeybgalay Aaska labadaasi marxuun.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in lagu raad joogo gacan ku dhiiglayaasha geestay falkaan foosha xun waxaana uu dadka deegaanka ugu baaqay in ay isdajiyaan islamarkaana la shaqeeyaan laamaha amaanka si loo so qabto gacan ku dhiiglaha sharcigana la marsiiyo.

Waxa uu Sido kale sheegay in mudo kusiman 48 saac gudahood jawaab cad laga bixin doono falkan Gacantana lagu so dhigi doono danbiilaha dilka geestay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here