K/Galbeed oo sheegtay in abaabul hubeysan laga wado deeganadeeda.

0
23

Axad, May 11, 2025 {HMC} – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa
shaaciyay in jabhad hubeysan oo khatar ku ah amniga maamulka laga soo
abaabulayo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Maxamed
Ibraahin Bilaal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa
sheegay in jabhadan looga dan leeyahay qalqal-galinta xasiloonida iyo
nabadda Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa si cad u sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uusan
marnaba aqbali doonin abaabul kasta oo lagu dhibaateynayo shacabka
deegaanka, isla markaana laga leeyahay dano gaar ah, sida uu hadalka udhigay.

“Koox Muqdisho joogta oo qas iyo fowdo abuureysa in naloo soo raro ma
aqbali doono,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Maxamed
Bilaal.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Wasiir Bilaal wuxuu carrabka ku adkeeyay in
mowqifka Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu yahay mid taageersan
hannaanka federaalka iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya, gaar ahaan geeddisocodka doorashooyinka qof iyo cod ah.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in maamulka Koonfur Galbeed leeyahay
dowlad xooggan iyo shacab mideysan, taasoo ay lagama maarmaan tahay in
la ixtiraamo madax-bannaanida iyo nidaamka maamulkaasi. Wuxuu intaas
ku daray in cid kasta oo isku dayda inay carqaladeyso amniga maamulka ay
la kulmi doonto jawaab adag oo sharci iyo mid ciidanba leh.

Wasiirka ayaa xusay in ay heleen xog rasmi ah oo caddeyneysa abaabulka
jabhaddan, taasoo lagu diyaariyay Muqdisho, lana damacsan yahay in si
qarsoodi ah lagu soo geliyo deegaanada Koonfur Galbeed, sidaas darteedna
loo baahan yahay feejignaan buuxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here