Isniin, May 12, 2025 {HMC} Dab xoog leh ayaa caawa ka kacay
suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaas oo dadaal dheer
kadib hadda lagu guuleystay in la demiyo.
Dabkaas ayaa ka kacay qeybta daawada ee Suuqa Bakaaraha, waxaana ku
basbeelay dhowr dukaan ooh anti badan ay taallay.
Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Bashiir Cabdi Maxamed ayaa
warbaahinta la hadlay goordhow markii lagu guuleystay deminta dabkaas.
laakiin hanti ayaa ku baaba’day, ilaa dhowr tukaan ayaa gubatay, ugu
dambeyn dabkii waa ka adkaanay, ilaahey ayaa nagu guuleeyey,” ayuu yiri
Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Bashiir Cabdi Maxamed.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyey shirkadda Hormuud oo
sida uu sheegay gurmad deg deg ah u dirtay goobta, kuna guuleysatay
deminta dabkaas.