Isniin, May 12, 2025 {HMC} Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta yeelanayo kulankoodii caadiga ahaa, xilli labada fadhi ee ugu dambeeyay u baaqdeen Kooram la’aan.
Xogheynta Baarlamaanka ayaa farriin la wadaagay Xildhibaannada Golaha Shacabka, iyaga oo sheegay in maanta oo isniin ah jiro kulankii Golaha.
Labadii kal fadhi ee u dambeeyay ayaa u baaqday, roobkii xooganaa ee ka da’ay Muqdisho, kaasi oo sababay in Xildhibaannada awoodi waayaan soo gaarista xarruunta Golaha Shacabka.
Sidoo kale, waxaa taagna maalmahan xiisad iyo buuq ay sameynayaan qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka.
Fadhiyada Golaha Shacabka ayaa sida caadiga ah qabsooma maalmaha Sabtida, Isniinta iyo Arbacada. Xildhibaannada ayaa kalfadhigaan lixaad waxaa horyaalla qoddobo muhiim ah sida dhammeystirka Dastuurka iyo sharciyo kale.