Isniin, May 12, 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa
Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Dr.
Abdullah Bin Salem Al Nuaimi oo wadahad dheer uu yeeshay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn Danjiraha kala hadlay xoojinta xiriirka
iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo
Qatar.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha kala hadlay sidii dowladda
Qatar ay uga taageeri lahayd dowladda Soomaaliya seddax arrimood oo kala ah.
1 – Arrimaha ammaanka oo hadda Soomaaliya meel adag ka maraya,
dowladuna ay deg deg ugu baahan tahay garab istaag caalami ah.
2 – Arrimaha horumarka oo baahi badan ay u qabto bulshada Soomaaliyeed
oo ka soo kabaneysa colaado sokeeye oo u horseeday saboolnimo.
3 – Iyo fulinta Qorshaha cusub ee Isbeddelka Qaranka (NTP) kaas oo la
dejiyey in xukuumadda Soomaaliya ay ku shaqeyso sanadaha 2025 ilaa
2029, balse aan loo heynin wax kharash ah oo lagu hirgeliyo.
Wadahal dheer oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka dhacay kadib, Xamsa ayaa
uga mahadceliyey dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar
ahaan mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada
asaasiga ah, sida waxbarashada iyo caafimaadka.
Dhinaciisa, Danjire Abdullah, ayaa xusay in ay sii wadi doonaan taageerada
dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda
iyo shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Danjiraha ayaa ka balan-qaaday Ra’iisul Wasaaraha in dowladiisa
Qatar ay ka soo jawaabi doonto dalabka cusub ee dowladda Soomaaliya.
Qatar ayaa kamid ah dowladaha sida hagar la’aanta ah u taageera
Soomaaliya, iyadoo ficiladooda iyo hab-dhaqankooda aysan ka dhex muuqan
dano gaar ah oo dalkeena ay ka fushanayaan, sida Imaaraadka.