Xamas oo qaaday tallaabo ay taageero ugu raadinayso Mareykanka.

0
14

Isniin, May 12, 2025 {HMC} Xamaas ayaa sheegtay inay sii deyn doonto
askari Maraykan-Israa’iili ah oo lagu haysto Gaza, iyadoo shaacisay inay
wadahadallo toos ah kula jirto Maraykanka si loo gaaro xabbad-joojin ka
hirgasha dhulka dagaalladu halakeeyeen.

“Askari Israa’iili ah, Edan Alexander, oo wata laba dhalasho, Maraykan iyo
Israa’iili ah, ayaa la sii deyn doonaa, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu
doonayo xabbad-joojin iyo dib-u-furista marinada gargaarka,” ayaa lagu yiri
bayaan kasoo baxay kooxda Xamaas.

Qoyska Alexander, oo 21 jir ah, ayaa sheegay in loo sheegay in la filayo in la
sii daayo “maalmaha soo socda.”

Bayaanka ay soo saareen ururka Families and Missing Families Forum, oo u
dooda qoysaska la haysteyaasha, ayaa lagu sheegay in qoysku “si joogto ah
ula xiriirayo maamulka Maraykanka” si ay uga wada hadlaan sii deynta la
filayo.

Hore, laba sarkaal oo Xamaas ah ayaa u sheegay AFP in wadahadallo ka
socda caasimadda Qatar ee Doha ay la leeyihiin Maraykanka, ayna jirto
“horumar” la taaban karo.

Dhanka kale, weerarrada Israa’iil ayaa socday, iyadoo hay’adda gurmadka
madaniga ee Gaza ay sheegtay in ugu yaraan 12 qof lagu dilay Axaddii, oo
ay ku jiraan afar carruur ah.

Sarkaal ka tirsan Xamaas oo ka hadlayay wadahadallada ayaa sheegay in
“horumar laga sameeyay… gaar ahaan gelitaanka gargaarka Gaza” iyo
suurtagalnimada is-weydaarsiga la haysteyaasha iyo maxaabiista
Falastiiniyiinta ee Israa’iil xiran.

Sarkaal kale ayaa sidoo kale xaqiijiyay horumar la xiriira “xabbad-joojin laga
hirgaliyo Gaza.”

Si kastaba ha ahaatee, Israa’iil ayaa ballanqaadday inay dagaalka sii wadi
doonto inkastoo wadahadallo socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here