Talaado, May 13, 2025 {HMC} Afhayeenka howlgalada Puntland oo la hadlayay warbaahinta ayaa u sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay tayaynta ciidamada Puntand, isagoo intaas ku daray in diyaaradahani ay ka qeyb qaadan doonaan duqaynta iyo sahanka ciidamada.
Inkastoo uu afhayeenku diiday inuu sheego halka ay Puntland kasoo iibsatay diyaaradahan, haddana wuxuu tilmaamay inay yihiin diyaarado tayo leh oo ay Puntland kusoo iibsatay lacagteeda. Wuxuu sidoo kale beeniyay in dowlado ay ku caawiyeen.
Faadhigo wuxuu sheegay diyaaradahan inay ciidamada ka caawinayaan inay ku gaaraan meelaha aysan gaadiidku geli Karin, taasoo uu sheegay inay ahayd caqabad ugu weyn oo ciidamada ka haysata inay gaaraan meelaha firxadka Daacish.
Waxa uu sheegay in diyaaradahan ay qeyb ka ahaan doonaan bilowga wajiga afaraad ee howlgalka Hillaac oo uu dhawaan madaxweyne Deni ku dhawaaqi doono. Wuxuu intaas ku daray in ciidamo Puntland ka tirsan loo tababarayo isticmaalkooda.
Si kastaba ha ahaatee, Diyaaradahan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Puntland hakisay howlgalkii Daacish, iyadoo ciidamadu ay awoodi waayeen inay Daacish ka sifeeyaan togga Miiraale.