Madaxwayne Trump oo maanta tagaya Sacuudiga iyo wadamo kale uu uga sii gudbi doono.

0
12

Talaado, May 13, 2025 {HMC} Iyadoo lagu wado in todobaadkaan uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu booqasho ku tago wadamada Khaliijka, ayaa booqashadiisa waxaa si gaar ah diiradda lagu saari doonaa sidii maalgashi cusub loogu heli lahaa dhaqaalaha Mareykanka.

Trump ayaa lagu wadaa inuu Talaadada maanta ah gaaro dalka Sacuudiga, taas oo noqoneysa booqashadiisi ugu horreysaay ee uu ku tegayo Bariga Dhexe tan iyo markii dib loo doortay.

Inta badan booqashadiisa Khaliijka, ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha dhaqaalaha marka loo eego dhibaatada amni ee ka taagan gobolka gaar ahaanna dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump , ayaa sidoo kale booqan doona Riyadh, waxaana Arbacada lagu wadaa inuu sii wado safarkiisa oo uu tego magaalada Doha ee caasimadda dalka Qadar.

Maalinta Khamiistana , ayaa sidoo kale waxaa lagu wadaa Madaxweyne Donald Trump inuu booqdo dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas uu kula kulmi doono madaxda dalka Imaaraadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here