Madaxweeynaha Dalka Mareeykanka Booqashada Ku Tagay Dalka Sacuudi Carabiya?

0
19

Talaado, May 13, 2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa maanta ka degay magaalada Riyaad ee caasimadda dalka sacuudiga, kaas oo ka dhigan socdaalkii u horreeyay ee rasmi oo dibadda uu ku tagayo, tan iyo markii uu xafiiska dib ugu soo laabtay.

Dhaxalsugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan, ayaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxwayne Trump, iyada oo la arkayay diyaaradaha Sacuudiga F-15 oo galbinaya diyaaradda madaxwaynaha ee Air Force One.

Labada hoggaamiye iyo wafdigooda ayaa u gudbay gudaha Terminalka garoonka diyaaradaha Boqor Khaalid oo ay wada-hadal kooban ku yeesheen inta uu socday waqtiga qaxwaha uu Sacuudiga caanka ku yahay.

Madaxweyne Trump waxaa socdaalkan ku weheliya xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Marco Rubio, Xoghayaha Ganacsiga Howard Lutnick, Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth, iyo Xoghayaha Tamarta Chris Wright.

Inta lagu guda jiro socdaalka uu madaxwayne Trump ku joogo dalka boqortooyada Sucuudiga ayaa la filayaa in uu soo saaro go’aamo saamayn ku yeelan kara siyaaadda iyo xaaladaha kacsan ee ka jira gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here