Talaado, May 13, 2025 {HMC} Raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ,ayaa ahaa hogaamiyihii ugu horreeyay ee ajnabi ah oo booqda Donald Trump ka dib markii dib loo doortay horaantii sanadkan.
Haatan Trump waxaa uu ku suganyahay Bariga Dhexe, wuxuuna goor dhow ka caga dhigtay Sacuudiga, booqashadiisi ugu horreeysay ee dibadeed balse, qorsaha safarkiisa kuma jirto inuu gaaro Israa’iil.
Saraakiisha Israel ayaa lagu soo waramayaa inay si gaar ah maamulka Trump ugala hadleen inuu safarkiisa ku daro wadankooda, dadaalladaas oo u muuqda kuwo aan miro dhalin.
Iyadoo safiirka Maraykanka u fadhiya Israa’iil, Mike Huckabee, uu Sabtidii sheegay in xiriirka Maraykanka iyo Israa’iil uu weli yahay mid xooggan