Puntland oo ka hadashay wararka sheegaya in diyaarado dagaal soo iibsatay

0
18

Talaado, May 13, 2025 {HMC} Warar soo baxayay maalmihii lasoo dhaafay , ayaa sheegayay in maanulka Puntland soo iibsadeen diyaarado dagaal, kuwaa oo ka qeyb qaadanaya dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish .

Af-hayeenka ciidamada difaaca Puntland u qaabilsan hawlgalka Calmiskaad S/Guuto, Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo) ayaa markii u horraysay xaqiijiyay in Puntland soo iibsatay afar kamid ah diyaaradaha dagaalka ee casriga ah.

S/Guuto Maxamuud Faadhigo, oo wareysi kooban bixiyay ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay wararka ku saabsan in Puntland soo iibsatay afar kamid ah diyaaradaha dagaalka ee casriga ah, kuwaasi oo qaabilsan fulinta duqeymaha iyo hawlgallada deg deg ah, islamarkaana ku biiray hawlgalka sifaynta firxadka argagixisada ISIS buuraha Calmiskaad.

” Puntland waxay soo iibsatay afar diyaaradood oo nooca dagaalka ah, waxaana ay ku soo iibsatay lacagteeda ma jirto cid ku taageertay, waa diyaarado casri ah oo kuwa duqeymaha deg dega fuliyaa, sidoo kalena loo adeegsado sahanka iyo daabulka ciidamada, waxayna ku biireen hawlgalka ciribtirka argagixisada ISIS ee buuraha Calmiskaad” ayuu yiri S/Guuto Maxamuud Faadhigo.

Af-hayeen Faadhigo oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay duuliyaasha diyaaradahan ayaa sheegay in dhammaan duuliyaasha wadaa yihiin dhalinyaro reer Puntland ah oo loo carbiyay diyaaradaha dagaalka, kuwaasi oo dhawaan ka soo laabtay dalka dibaddiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here