Xisbi ay ku mideeysanyihiin Madaxda sare ee dalka iyo kuwa DG qaar oo oo muqdisho looga dhawaaqayo.

0
30

Talaado, May 13, 2025 {HMC} Waxaa lagu wadaa in maanta Muqdisho looga dhawaaqo Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka oo ay ku mideysan yihiin xubno sare oo kamid ah Hoggaanka Siyaasadda dalka.

Munaasabad si heer sare ah ayaa lagu ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.

Waxaa la rajeynayaa in Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Ra’iisul Wasaaraha, iyo Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Hirshabelle, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed ay kasoo muuqdaan xafladda.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), uu ka qeyb gali doono Munaasabadan.

Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday qabanqaabada xafladan, iyada oo Arbacadii hore la qorsheeyay balse dib u dhacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here