{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Ciraaq.

0
11
Arbaco, 14-ka May, 2025 {HMC} – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Baghdad Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Ciraaq, Mudane Fuad Hussein.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, kobcinta iskaashiga istiraatiijiga ah, iyo horumarinta danaha wadaagga ah.
Labada wasiir waxay si qoto dheer uga wada hadleen fursadaha iskaashi ee dhinacyada Aminga, Xoolaha, dhaqaalaha buluugga, kalluumeysiga, iyo arrimaha siyaasadda, iyadoo la xusay muhiimadda wadashaqeyn iyo isku-duwid siyaasadeed oo joogto ah si kor loogu qaado mowqifyada labada dal ee ku aaddan xaaladaha gobolka iyo caalamka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ciraaq, Mudane Fuad Hussein, ayaa mar kale muujiyay taageerada joogtada ah ee dalkiisu u hayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo si cad u adkeeyay mowqifka Ciraaq ee ku aaddan garab istaaga dowlada iyo dadka Soomaaliyeed.
Ciraq iyo Somalia Cabdisalaan Cabdi Cali iyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here