Arbaco, May 14, 2025 {HMC} faahinno dheeraad ah ayaa
waxaa laga helayaa tiro odayaal ah oo shalay lagu xiray gudaha magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.
Odayaasha la xiray oo gaaray illaa 10 Oday dhaqameed ayaa shalay shir
jaraa’id ku qabtay magaalada, waxayna kasoo horjeestay qorshaha
dowladda ay ku wajaheyso xaaladda Jubaland, waxaana lasoo wariyay in ay
soo xiraan ciidamada booliska Garbahaarey.
Arrintan ayaa dhalisay buuq xooggan iyo in durbo xaalad laga dareemo
gobolka Gedo oo mar kale wajahaya xiisad u dhexeyso Dowladda Federaalka
iyo Jubaland.
Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo
saraakiisha ciidamada oo ku aadan xarigga maanta loo gaystay qaar kamid
ah odayaasha gobolka Gedo.
Dhinaca kale Jubaland oo ka hadashay arrintan ayaa si weyn u
cambaareysay xarigga odayaasha, waxayna ku eedeysay dowladda ineey qas kawado deegaanada jubbaland.
Waxaa kale oo jirtay in Jubaland ay maanta sheegtay in la afduubtayAxmed
Xuseen Jaamac oo ka mid ah ururada bulshada rayidka ee degmadaasi, kaas
oo ay sheegtay in lagala baxay gurigiisa.
“Axmed Xuseen Jaamac oo ka mid ah ururada bulshada rayidka ayay
gordhow Ciidamo ka Amar qaata Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa ka
afduubteen gurigiisa oo ku yaalo degmada Garbahaareey ee xarunta
Gobolka Gedo” ayaa lagu yiri qoraalka Jubaland.
Xiisadda Muqdisho iyo Kismaayo ayaa haatan u muuqata inay dib usoo laba
kacleysay, waxaana huriyay bayaankii kasoo baxay shirkii u dambeeyey ee
Golaha Wadatashiga Qaranka oo lagu sheegay in loo baahan yahay in sharci
loo wajaho xaaladda Jubbaland.