Arbaco, May 14, 2025 {HMC} Qaar kamid ah madaxdii hore ee talada dalka soo qabatay iyo siyaasiyiin kale oo mucaarad ah, ayaa war-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen ku caddeeyay in ay burburtay madashii Wadatashiga Qaran , iskuna baddeleen xisbi doonaya in talada xoog ku heestaan.
Qoraalka ay soo saareen siyaasiyiintan ayey ku sheegeen in Madaxweyne Xasan Sheekh u dhaqaaqay jidkii mudda kororsiga ee horseedi lahaa abuurista qalalaase siyaasadeed iyo mid amni. Waxa ayna ku baaqeen siyaasiyiintan in lagu isugu yimaado wadatashi siyaasadeed oo looga arrinsanayo xaaladaha soo kordhay.
“Ku talinaynaa in degdeg loo guda-galo wadatashi siyaasadeed oo ay isugu yimaadaan xoogagga siyaasadeed, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si dalka looga samatabixiyo kalitalisnimo lagu burburinayo dastuurkii heshiiska lagu ahaa, nidaamkii federaalka iyo awood qaybsigii siyaasadeed ee saldhigga u ahaa xasilloonnida dalka, loona abuuro cudud midaysan oo looga hortagayo kooxaha argagexisada.” ayaa lagu yiri qoraalka.
War-saxaafadeedkan wadajirka ah ee soo saareen siyaasiyiinta mucaaradka , ayaa looga digay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu ka waantoobo fidnada uu ka abuurayo mar kale deegaannada Jubbaland, sidoo kale joojiyo caburrinta iyo afduubka ay geesanayaan koox ka ammar qaadata.