Arbaco, May 14, 2025 {HMC} Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Muqdisho kulamo kula yeeshay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Turkiga, Safiirka Turkiga iyo iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Turkiga.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka AS.
Labada dhinac ayaa mar kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo salka ku haya taageerada dhanka difaaca iyo Amniga.
Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyey doorka Turkigu ka qaadanayo taageerada Soomaaliya, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid dhidibada u aasay iskaashi walaaltinimo, ixtiraam iyo dan wadaag.
Safiir Alper Aktaş iyo wafdigiisa ayaa dhankooda xaqiijiyey in Turkigu sii wadi doono garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan la dagaallanka As, dib u dhiska hay’adaha amniga, iyo taageerada tababarka iyo qalabaynta ciidamada.