Khamiis May 15, 2025 {HMC} Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa shaacisay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ay oggolaatay suurtagalnimada in Turkiga laga iibiyo gantaallo iyo qalab kale oo qiimahoodu dhan yahay 304 milyan oo doolar.
Hubkaas waxaa kamid ah gantaalka nooca loo yaqaan AIM-9X Sidewinder Block II iyo AIM-120C-8.
Gantaaladan ayaa ah kuwa riddada gaaban ee hawada laga rido waxaana loo adeegsadaa diyaaradaha dagaalka si ay u soo ridaan diyaaradaha kale ee dagaalka.
Gantaalkan ayaa culeyskiisu yahay 85 kilogram.
Laba maalmood ka hor Turkiga, Norway ayaa waxaa loo ogolaaday inay soo iibsato 300 oo gantaalladaas ah.