Khamiis May 15, 2025 {HMC} War-saxaafadeed caawa kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa looga soo horjeeatay xisbigii weynaa ee xalay looga dhawaaqay Muqdisho, kaa uu hoggaamiye ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Jubbaland warka kasoo baxay ayaa waxii xalay ka dhacay Muqdisho lagu tilmaamay xilkasnimadarro, waxa ayna Jubbaland tilmaantay in dalka ka galinayo halis amni, ayna isku diyaarinayaan kooxda talada heesa in la abuuro xisbi lamid ah kii kacaanka .