Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta looga Hadlay Arimo Muhiim ah

0
18

Khamiis May 15, 2025 {HMC}  Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa, ayaa ansixiyey heshiis is afgarad dhinaca Milatariga iyo amniga ah oo dhex maray Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga, kaas oo golaha ay usoo gudbisay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Shirka Golaha oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga, guulaha laga gaaray dagaalka AS, warbixin ku saabsan arrimaha Xajka iyo sidoo kale guddiga taakuleynta dagaalka lagula jiro kooxaha AS oo warbixin laga dhageystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here