Puntland oo Si adag uga Hortimid qorshaha uu wado Maamulka SSC Khaatumo.

0
39

Jimco 16 May 20225 {HMC} Maamulka Puntland ayaa si adag uga hor timid qorshaha Madaxweynaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Firdhiye, uu doonayo oo ah in gobolka Sanaag lagu daro maamulkiisa.

Maxamuud Caydiid Dirir Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland ,oo maanta saxaafadda kula hadlayay magaalada Garowe ayaa sheegay, qorshahan in uu yahay mid madaxweyne Firdhiye looga soo dhiibay Muqdisho, Balse waxa uu sheegay in uusan ahaan doonin mid suurtagala.

Wasiir Caydiid waxa uu sheegay in Madaxweyne Firdhiye looga baahan yahay inuu raalli-gelin ka bixiyo hadalladiisa, isla markaana uu ka laabto damaciisa siyaasadeed.

“Puntland waxay ka kooban tahay shan gobol iyo degmada Buuhoodle. Haddii cid ka go’aysa, waa inay ku timaadaa wadatashi iyo is afgarad. Hadduu SSC dhisayo, macnaheedu maaha inuu burburinayo Puntland. Intii isaga raacsan ha u dhiso, laakiin hadal uu telefishinka ka yiraahdo oo ah ‘Sanaag ayaan kasoo goynayaa Puntland’ si SSC dowlad gaar ah u noqoto, arrintaasi ma suurtagalayso,” ayuu yiri Mr Caydiid.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Firdhiye inuu qeyb ka yahay qorsheyaal lagu burburinayo Jubbaland iyo Puntland, isagoo dano gaar ah ka raadinaya Dowladda Federaalka.

Geesta kale kale, wasiirka warfaafinta SSC Khaatumo Najiib Barkhadle oo ka jawaabayay hadalka wasiirka warfaafinta Puntland, ayaa sheegay in aan loo baahnayn “War xumo tashiil,” isagoo sheegay in labada maamul ee SSC Khaatumo iyo Puntland ay kawada hadlayaan arrimahooda masiiriga ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here