Jimco 16, May 2025 {HMC} Ukraine ayaa sheegtay in ay burburtay mid ka mid ah diyaaradaha casriga ah ee dagaalka ee F16 ee Maraykanka lagu sameeyo, kadib shil diyaaradeed oo dhacay.
Waxa ay sheegtay in duuliyihii diyaaradda uu badbaaday, dhacdadana aysan u muuqan mid ka dhalatay weerar uu Ruushka soo qaaday.
Diyaaraddan ayaa la sheegay inay soo ridday saddex bartilmaameed intii ay hawada ku jirtay ka hor inta aysan burburin.
Xaaladda duuliyaha diyaaradda waday ayaa la sheegay inay wanaagsantahay.
Diyaaradda nooceedu yahay F16, ayaa noqoneysa diyaaraddii abaad oo ay Ukraine ka burburto tan iyo markii ay sanadkii hore ay diyaaradahan ugu deeqeen saaxibadooda Mareykanka.