{DAAWO SAWIRADA} Xiddigii Hore ee Kooxda Arsenal ee Kanu oo Lagu Soo dhaweeyay Magaalada Hargeyso.

0
38

Sabti 17 My 2025 {HMC} Xidigii caanka ahaa ee u ciyaari jiray kooxda Arsenal iyo kooxo kale oo Yurub ah, Nwankwo Kanu, ayaa safar ku yimid Somaliland, iyadoo ay si diirran u soo dhaweeyeen saraakiisha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

“Somaliland, waan la yaabay inaan arko dhallinyaro intan le’eg, waxay muujinaysaa in qarankani horumarayo. Sababta aan halkan iigu timaadeen waxay tahay in aan ahay jabiyoon (champion), dhammaantiin waad iga fiicnaan kartaan haddii aad nafta hurtaan oo aad dadaashaan,” ayuu yidhi Kanu.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Yuusuf Tadhase, ayaa sheegay in xukuumaddu ay ballaadisay xidhiidhada caalamiga ah ee dhinaca ciyaaraha, safarka Kanu-na uu horseed u yahay in Somaliland ay hesho taageero caalami ah oo lagu horumarinayo ciyaaraha.

“Muhiimadda aanu u soo dhawaynayno Kanu iyo wafdigiisa waxay tahay inay indho-indheeyaan dalka Somaliland, si aanu xidhiidh ula samayno hay’adaha waaweyn iyo in la helo caawimo dhinaca ciyaaraha ah. Tani waxay ka mid tahay waxyaabaha aanu ka beddelnay xidhiidhadayada,” ayuu yidhi Wasiir Tadhase.

Kanu oo ah xiddig si weyn looga yaqaan dunida ciyaaraha, wuxuu ku dhashay magaalada Owerri ee dalka Nayjeeriya 1-da August 1976. Wuxuu caan ku noqday xirfaddiisa ciyaareed ee heer caalami iyo kooxo waaweyn oo Yurub ah oo uu ka tirsanaa. Kanu wuxuu ciyaaray kooxaha Ajax ee Netherlands, kooxda Inter Milan ee Talyaaniga, iyo kooxda Arsenal ee Ingiriiska isagoo la qaaday koobab badan oo ay ka mid yihiin UEFA Champions League iyo Premier League. Intii uu la joogay Ajax, wuxuu la qaaday Champions League 1995, halka Arsenal uu kula guuleystay horyaalka Ingiriiska iyo FA Cup. Waxa uu sidoo kale u ciyaaray kooxaha West Bromwich Albion iyo Portsmouth.

Heerka qaranka, Kanu wuxuu caan ku noqday guushii Nayjeeriya ka gaartay tartankii Olympic-ga 1996, halkaas oo uu xulka dalkiisa ku hoggaamiyay biladda dahabka. Wuxuu matalayay xulka qaranka Nayjeeriya muddo dheer, isagoo kala qayb galay koobab adduun iyo tartamada koobabka Afrika ee kala duwan.

Xiddigii Hore ee Kooxda Arsena 1 Xiddigii Hore ee Kooxda Arsena 3 Xiddigii Hore ee Kooxda Arsena 2

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here